​​​​​​Tusmooyinka Soo-gudbinta Ashtakada

​ 

Si aad u soo-gudbisid ashtako ka dhan ah qareen fadlan soo buuxi foomka ku lifaaqan oo u soo dir: 

Lawyers Professional Responsibility Board
445 Minnesota Street
Suite 2400
St. Paul, Minnesota 55101-2139

 

Ashtakoyinku waa iney ahaadaan qoraal ah, soona saxiixay qofka wax ashtakeenaya ayna kamid noqdaan nuqulka dukuminti kasta oo faalo ka bixinaysa ama taageraysa ashtakadaada. Ashtakoyinka 
oo dhami waa in  boostada la soo dhigaa, fakis ama  gacanta lagu geeyo Xafiiska Eega Waajibaadka Saaran Qareennada. 

 

Marka aan ashtakada kaa helno, waxaan qiyaasti labo todobaad gudahooda kuu soo diraynaa waraaq aan kuugu sheegeyno sida ashtakadaadi loo qaabilay. Xafiiskeena ama Xafiiska Guddiga Anshaxa Degmada (DEC), midkood, ayaa eegaya arrimaha u baahan baarista. Ashtakoyinka badankooda waxa marka hore loo gudbiya DEC. DEC ayaa magacawda qofka baara arrimahaas. Qofka baarista loo xilsaraay ayaa la soo xiriiraya qareenka iyo ashtakeekoodaha (haddii loo baahdo aqbaar dheeraad ah), wuxuuna fikradiisa uu u soo gudibnaya Maamulaha.

 

Xaaladaha oo dhan , waxaa nalaga rabaa inaan soo dirno nuqullada ashtakada u jeeda qareenka xitaa haddey dhacdo inaanan baarin ashtakada. Baaristu waxay qaadata  ilaa saddex bilood ama ka badan. Qoraal ayaa qoraal ahaan kuugu soo sheegaya sida xaaladdu ay ku dhammaato. ​


  
  
Complaint Instructions - Somali.pdfComplaint Instructions - Somali
Complaint Form - Somali.pdfComplaint Form - Somali
Complaint Brochure - Somali.pdfComplaint Brochure - Somali